Gobolka gardafuu

index
Gobolka Gardafuu oo ah gobolka sagaalaad ee dowlada puntland kasoo la
sameeyay xiligii mudane faroole.

waxa uu dhacaa bariga puntland waxaana dhanka woqooyi kaxiga gacanka Cadmeed , dhanka bari waxaa kaga beegan bad weynta india , kuunfur waxaa kaxiga goboka karkaar , dhanka galbeedna waxaa kagabeegan gobolka bari .
Gobolkan ayaa ka kooban shan dagmo oo kala ah

1- Dagmada  Caluula .

aluuuuuuula
Cluula oo ah caasimada gobolka gardafuu kana mid ah magaalooyinka
taariikhiga ah ee somaliya. waxay dhacdaa woqooyiga gobolka gardafuu.
Cimilada dagmadan oo ah mid diiran kuna haboon in la dago.
Adeeg yada bulsho ee dagmadan ayaa ah kuwo dib u habayn lagu wado.
Waxaana muddo aan sidaas usii fogay lagaar siiyay dagmada Caluula qalab
caafimaad oo ay ugu deeqday jaaliya reer gardafuu ee dalka sweden taasi
oo ay madax ka ahayd aamino muuse jabaan.

2- DAGMADA  BAARGAAL

oo ah magaalo kutaal koonfur galbeed gobolka gardafuu. Ahna magaalo dhacda badd waynta india.

baargaal

cimilada baargaal ayaa ah mid aad u wanagsan xilkastana ku haboo in
lajoogo, Dagmadaan Waxaa lagu tiriyaa magaalooyin aadka u dhismaya ee puntland
sidoo kale waxa ay magaaladu haysata dhamaan adeeg yada asaasiga ee ay
bulsho u baahan tahay .

Adeega waxa barasho ee magaalada ayaa ah mid aad uu heer kiisu usareeyo
waxa ay sababtay in magaalada lagu naa nayso hoyga aqoonta puntland.
Inkasta oo aad moodo in adeegyada kale sida caafimaadka iyo kawa lamidka
ahba ay u baahan yihiin in sara u qaadis lagu sameeyo.

3- Dagmada murcanyo 

Oo ah dagmo dhacda woqooyi galbeed gobolka gardafuu , waxayna kamid tahay dagmooyinka cusub ee puntland cimilada iyo adeegyada bulsho waxay kala saman tahay dogmooyinka ay isku gobolka yihiin, in kasta oo aad moodo in dadeegeeda waxbarashada ee dagmada uu aad ugu hooseeyo kuwa kale ee lajaarka ah , sidoo kale dagmadu wali kuma guulaysan in ay yeelato gole deegaan sababo jira awgood .

4- DAGMADA  BAREEDA

Oo ah magaalo taariikheed kultaal waqooyi bari gobolka gardafuu kulaashana badda cas waana meeshii uu ku noolaan jiray DAAROOD ISMAACIIL oo ah aday ay ku abtir sadaan dadyow badan oo somali ah.
bareedaaa

Cimilada magaaladan ayaa ah mid diiran oo aad u wanaagsan
Bareeda oo ka mid ah dagmooyinka cusub ee puntland waxaan lamaga caabay xiligii dawladii mudane faroole.
Dagmada ayaa haysata qaar badan oo kamid ah adeegyada bulsheed ee asaasiga ah . sidoo kale dagmadu waxa ay ku guulaysatay in ay heelato gole deegaan iy gudoomiye ay iska doortee, dhanka wax barasha dagmadaan oo lagu wado dib u habayn aad u balaaran ilaa iyo hadana waxaa laga hi galiyay dugsi H/DHEXE IYO SARE .

5- dagmada gumbax 

waana dagmo kutaal koofur galbeed gobolka gardafuu , dagmadaan waxa ay haysataa qaar kamid ah adeegyada bulshada  , inkasta oo ay jiraan tabasho  u dhexaysa dadka reer gumbax iyo dad ay daris yihiin , taasi oo hormuud u noqotay in ay timaado kala kala shakin u dhextaal iyaga iyo dadka ku abtirsada gobolaka , waxaa hada meel fiican maraysa  waan waan iyo wada hadal  arintaa lagu turxaan bixinayo , dhamaana  dadka reer gumbax waxa ka go’ an ilaalinata midnimada gobolka .

Godomiyihi ugu horeeyay ee gobolku yeesho waxa uu ahaa mudane CALI MIRE XUSEEN
inkasta oo uu in mudo ah kadib shaqada uu si iskiis ah uga tagay.   waxaa haatan godoomiye ka ah gobolka Dr:C/QAADIR YUUSUF (IIDI) Loo lagu soo magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha puntland .

KHAYRAADKA GOBOLKA GARDAFUU

Gardafuu oo ah gobol haysta khayraad dabiici ah oo aad u badan Kawa biri
iyo mid baddeed intaba .

sidoo kale wax yaabaha uu gobolkaani gaarka layahay ayaa ah in uu noqday gobolka kaliya ee ay maraan laba dabood , lehna mari biyoodyo caalami ah kuwaas oo uu maro ganacsiga caalmka , waxyaaba layaabka leh ee gobolka gardafuu alle siiyay waxaa kamid ah in ay kutoolo meesha kali ee somaliya ay labada badood isugu tagaan wana meesha uu kasoo jeedo magaca gobolku.
bareeda

Nolosh dad weynaha ku nool gobolkaani ayaa ah mid ku tiirsan khayraadka badeed iyo kan birri oo uu gobolku lee yahay.

like dheh page ka Qisooyin Jacayl si aad u hesho xogo badan

W/Q  CILMI SICIID 

Advertisements

One comment on “Gobolka gardafuu

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s